Rooble oo adeegsanaya Guddiga Doorashooyinka oo amray in la xayiro kursi doorashadiisa ka dhici laheyd Baydhabo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) wuxuu ku wargelinayaa Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed SEIT inay hakiyaan doorashada kursiga HOP#204 inta laga saxayo habraaciisa.

Warar ayaa sheegaya in Xafiiska R/wasaare Rooble ku amray guddiga inay xanibaan qabashada doorashada kursi baydhabo ka dhici lahaa dhawaan.

Inkastoo dhowr jeer guddiga FEIT xubnaha ku jira ay kala jabeen,ayaa hadana waxaa jirtay kuraas ay hakiyeen dibna doorashadooda la qabtay oo ugu dambeeyey Kii Xildhibaan Jeesoow.

Lama oga in Guddiga Doorashada SEIT Ee Koonfur galbeed u dhego nuglaan doonaan hakinta Guddiga FEIT ay ku sameeyeen doorashada kursiga HOP#204.

R/wasaare Rooble ayaa kursigaan la raba Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) balse Madaxweyne Lafta gareen ayaa kursigaasi uxiray wasiirka Amniga KGS Isaaq Cali Subag.

Lama oga sida looga dabaasho arintaan soo korortay iyadoo Xukuumada ay markaan xoog iyo xeelad iskugu geyn doonto wasiir jaamac in xildhibaanimada lasiiyo maadaama wasiiro dhowr ah oo Rooble ku garab ahaa la hor istaagay maanta oo udambeysana kursigii Al cadaala ku haminayey uu qaatay C/raxmaan Odawaa.