Rooble oo Amar cusub soo saaray kahor inta aan la magacaabin Ra’iisul Wasaaraha cusub

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku wargeliyay Wasiirka Arrimaha dibadda in laga bilaabo 1 Janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii Golaha Wasiirada.

Qoraaloo diray Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdi Saciid Muuse ayaa la faray in dhammaan shaqaalihii la bedelY dib loogu fasaxo howlahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Sidoo kale waxaa la faray dhammaan hey’addaha dowladda ee warqadan ogeysiinta lala socodsiiyay inay qabsadaan howlaha kaga aadan fulinta amarkan.