Rooble oo amray in Somaliland loo fasaxo lacag gurmad ah oo dhan $ 11,700,000

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar).

Lacagtan ayaa ku jirtay xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

Suuqa ugu weyn Hargeysa ayaa dab qabsaday, waxaana baaba’ay dhammaan ganacsiyadii suuqa, waxaana ku hanti beelay ganacsato farabadan, lacagta suuqa ku gubatay ayaa lagu qiyaasay $2 bilyan oo doolarka Maraykanka ah.