Rooble oo booqasho ku tagaya Magaalooyinka lagu qabanayo doorashada Gollaha Shacabka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iis Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa in uu dhawaan booqdo Magaalooyinka lagu qabanayo doorashada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Rooble ayaa u kuurgeli doono xaaladda Amni ee Goobaha loogu talo galay inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka iyo diyaar garoowga doorashada.

” Wixii ka bilowda Jimcaha ama sabtiga
waxaan diyaariyay safaro aan ku tagayo goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka ayuu yiri” Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu warbixino mu saabsan diyaar garoowga doorashada ka dhageysan doonaa guddiyada doorashooyinka Heer dowlad Goboleed halka Saraakiisha Amniga doorashooyinka uu ka dhageysan doono warbixin la xiriirta amniga Goobta doorashada.

Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu ka sheegay Shir looga hadlayo arrimaha bani’aadannimada oo Maanta uu ka furay Magaalada Muqdisho.