Rooble Oo Booqday Dhaawacyada Shaqaalihii Turkiga Ee La Qarxiyay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku booqday isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho dhaawacyada howlwadeennadii ka shaqeynayay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ee ee shalay qaraxa lala beegsaday ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdoodaba in ay dhistaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay howlwadeennadan ku dhaawacmay iyagoo ka shaqeynaya horumarinta dalka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Injineerro u dhashay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga sida ay uga dhiirran yihiin garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed.

“Argagixisadu waxa ay ka soo horjeedaan nabadda iyo howl kasta oo dalkeenna lagu horumarinayo, waxaase xaqiiq ah in marnaba weerradooda fulaynimada ah aysan ka hor istaagayn shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dib u dhiska iyo horumarinta dalka” ayuu yiri Rooble.

Waxaa uu u mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha ,dowladda iyo shacabka Turkiga sida ay uga dhiirran yihiin garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed oo Al-shasbaab ay u bartilmaamsadeen dadaalka dib u dhiska ah ee ay ka wadaan dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Alle u weydiiyey naxariistiisa Janno walaalihii Turkiga ahaa ee ku nafwaayay falkan iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee kala shaqeynayay dhismaha waddada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay deegaanka Lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay inay ku dileen Sarkaal ka tirsan Turkiga, halka saddex Askari kalena ay ku dhaawacmeen.