Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay xili xaalad kacsanan ka jirto Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu magaalada Geneva uga qeyb galay shir looga hadlayay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa nasasho kadib gaaray Teendhada Afisiyooni halakas oo Maanta qorsuhu yahay in lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa kuxigeen ee Baarlamaanka 11aad.

Dib ugu soo laabashada Ra’iisul Wasaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegantay xilli xaaladda Siyaasadeed ee dalka ay kacsan tahay, isla markaana qaar kamid ah Shaqaalaha Baarlamaanka iyo Wariyeyaasha loo diiday inay galaan Teendhada Afisiyooni.

Amniga iyo cida maamuli laheyd ayaa buuq ka jiraa,iyadoo Taliska Booliska ay dalbadeen in doorashada labo cisho dib loo dhigo si loo xaqiijiyo nabad gelyada.

Wariyeyaasha & xubno ka mid ah shaqaalaha baarlamaanka ayaa saaka laga hor istaagay inay gudaha ugalaan hangarka Afisiyooni halkaasi oo doorashada inay ka dhacdo loo asteeyey.

Ciidamada ATMIS oo xalay Xukuumadu amartay inay la wareegaan amniga Afisiyooni ayaa waxa la gaarsiiyey amar kale oo xafiiska Madaxweyne Farmaajo kasoo baxay oo sheegayey inaysan ku xad gudbin howlaha qaranka oo ay ku ekaadaan kor joogteynta keliya Booliska Soomaaliyana ay shaqadaasi leeyihiin.

Khilaafka ayaa sii kordhay markii xubno ka mid ah guddiga qabanaya doorashada gudoonka golaha shacabka ay xalay sheegeen in ay kasoo horjeedaan qeyb ka mid ah xildhibaanadii lagu doortay gobolka gedo doorashada loo fasaxo kuwo kalena la hor istaago arimo siyaasadeed awgeed.