Rooble Oo Durba U Hambalyeey Doorashada Garabka Mahdi Guuleed Ee Is Doortay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa si deg deg ah ugu hambalyeey xubnaha Guddoonka Guddiga doorashada Somaliland SEIT ee Garabka Mahdi Guuleed oo maanta is doortay.

“Hadaba si loo hirgaliyo doorashada oo ay ugu horreysa hirgalinta doorashada Aqalka sare ayuu Ra’isul Wasaaruhu kulan la qaatay xubnaha Guddigii 11-ka ee SIET Somalialnd isaga oo amray in dib la isu doorto ” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibrahim Macalimuu.

Guddiga doorashada Somaliland ee Garabka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Guddoomiye u doortay inuu noqdo Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye ku-xigeen loo doortay Najiib Xuseen Samaale.

Doorashadii ka dhacday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka maqnaa xubnaha afarta ah ee uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kuwaasi oo ka qeyb gelin doona doorashada.

Rooble ayaa dadaal iyo waqti badan galiyay sidii isfaham uu kala dhex dhigi lahaa garabyada Siyaasadda Somaliland, wallow ay guuldareysteen dadaalo kala duwan oo uu waday Ra’isul Wasaare Rooble.

 

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hogaamiyaan Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare kuxigeen Mahdi Guuleed.