MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xuluumadda xilgaarsiinta ayaa Maalmihii la soo dhaafay waxaa uu cadaadis xoogan kala kulmayay Wakiilada Beesha Caalamka iyo Midowga Musharixiinta, kaas oo ku saabsan dedejinta doorashooyinka.
Dhawaan Warsaxaafadeed ay soo saareen Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay ku eedeeyeen dib u dhaca ku yimid doorashada Soomaaliua inay mas’uul ka yihiin Golaha wadatashiga Qaran oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Sawir lagu wareejiyey baraha Bulshada ayaa lagu qoray in rooble uu ka seexday doorashadii, taas oo dhaliilo badan uu kala kulmay.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa hada la dhacsaneyn hanaanka uu Rooble wax ku maamulayo ee dhanka doorashada, isagoo markii hore u muuqday mid daacad u ahaa doorashada.