Rooble oo isbitaalka ku Booqday afhayeenka Xukuumadiisa Macallimuu.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa saqdii dhexe ee xalay isbitaalka ku booqday dhaawaca Maxamed Ibraahim Macalimuu, Afhayeenka Xukuumadda, oo shalay ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ahaa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xaaladiisa caafimaad ka xaal wareystay Afhayeenka, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee Facebook.

“Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macalimuu oo xaaladiisu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad degdeg aha” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Ra’iisal Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhakhaatiirta daweyneysa Afhayeenka Xukuumadda,” ayaa lagu sheegay qoraalka.

Shalay ayeey aheeyd kadib markii Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxo oo gaari u watey Afhayeene Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mucallimuu oo marayay Agagaarka Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho isku qarxiyay sida ay shegeen Booliska Soomaaliya.

Xalada Cafimaad ee afhayeenka Xukuumadda,ayaa ah mid hagaagsan sida ay shegeen Dhakhaatiirta la tacaaleyso.