Rooble oo ka hadlay falkii Maanta ka dhacay duleedka degmada Waajid

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa cambaareeyey falkii arxan darrada ahaa ee Al-shabaab ku gubeen gaari dameer u rarnaa ganacsato oo ku sii jeeday degmada Waajid ee gobolka Bakool.

”Waxaan cambaareynayaa aadna uga xumahay falka arxan darrada iyo burcadnimada ah ee argagixisada Alshabaab ku gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool” ayuu yiri Rooble.

Isagoo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “waxay tani tusaale u tahay in kooxdani meesha ugu fog ka gaartay naxariis darrida iyo u turid la’aanta dadka iyo xayawaankaba, falalka noocan ahna waxay soo taxnaayeen sanado badan oo ay kooxdu go’doomin ku haysay Waajid iyo deegaanno kale.

Waxaan ammaanayaa Ciidammada Xoogga ee u gurmaday dhibbaneyaasha. Waxaa nala gudboon in aan meel uga soo wada jeesanno cadowgan nolosha u diiddan dadkeenna.”