Rooble Oo Ka Hadlay liiska Musharaxiinta Aqalka Sare Ee KGS

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee uu soo saaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Madaxweyne Lafta-gareen iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed ku bogaadiyay soo saarista Jadwalka doorashada iyo Liiska Musharaxiinta u tartameysa Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Maamulkaas.

Musharaxiinta lasoo gudbiyay ayaa gaaraya 10 Musharax oo afar ka mid ah ay Haween yihiin, isla markaana ku tartami doona Kuraasta Aqalka Sare, waxaana ku jiray Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha Aadan Cabdinaasir.