Rooble oo ka hor-yimid guddigii diiday liiskii musharaxiinta Aqalka Sare ee Jubaland

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada London ayaa habka fogaan aragga kula Shiray Guddiga xaqiijinta Qoondada haweenka ee Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Guddiga xaqiijinta Qoondada haweenka ee uu magacaabay ku bogaadiyay howsha loo igmaday ee ah u ololeynta Qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo u qabsoomay habka fogaan aragga ayaa waxaa looga hadlay saluugii guddoomiyaha guddigaas ay ka muujisay tirada haweenka ah ee ku jirtay 9 xubnood ee uu shaaciyay maamulka Jubbaland.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa Guddiga kula dardaarmay inay si dhaw ula shaqeeyaan Guddiyada doorashooyinka dalka, Madaxda dowlad-Goboleedyada iyo  bulshada rayidka ah.

Kulankaan ayaa kusoo aaday, iyada uu Guddigaan walaac ka muujiyay waxa ka socda Kismaayo, waxaana Guddoomiye Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ay sheegtay inay saluugsan yihiin in hal gabar oo kaliya ay kasoo dhex-muuqato Musharaxiinta Aqalka Sare ee Jubbaland.