Rooble oo kala diray gudoonkii ay doorteen  Cabdi Xaashi Iyo Mahdi Guuleed

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada labada Gole ee Gobolada Waqooyi, ayaa sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan Musharaxiinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxa uu sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey kulamo lagu xalinayo khilaafaadka ka dhashay hoggaanka guddiyada doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland ula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi.