Rooble oo ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay saameeyeen abaaraha

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukumaddu ay qaadeyso tallaabooyin deg deg ah oo loogu gurmanayo dadka abaaruhu saameeyeen ee Dowlad-goboleedka Jubaland, isagoo Shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha caalamiga ah ugu baaqay in ay gurmadka ka qeyb qaataan.

Waxa uu faray R/wasaare Rooble inay deg deg uga jawaabaan wasiirada maaliyada iyo caafimaadka xaalada abaareed ee ka jirta deegaanada Jubbaland.

Rooble ayaa sheegay in ay la xanuunsanayaan dadka ay dhibta abaareed ku saameysay deegaanada gobollada jubbada hoose,jubbada dhexe iyo gobolka gedo.

Engineer Rooble ayaa waxa uu ugu baaqay hay’adaha beesha caalamka oo ay kuwa qaramada midoobeey ugu horeeyaan si ay ugu gurmadaan dadka ay abaartu saameysay.