Rooble oo kulan deg deg ah beesha caalamka kula leh Afisyooni

MUQDISH-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan deg deg ah haatan teendhada Afisyooni ee degmada Xamar Jajab kula leh qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka, iyadoo kulanka diirada lagu saarayo xaaladihii u danbeeyay ee dalka.

Ra’iisul wasaare Rooble oo la sheegay in dalabka kulanka uu dhankiisa ka yimid ayaa xubnaha uu la shirsan yanay warbixin ka siinaya halka ay mareyso dhameytirka doorashada, caqabadaha ku hor-gudban iyo fariimaha dhinaca amniga ah ee shaqsi ahanatiisa uuu dareemayo.

Faah faahin buuxa lagama heli karo kulanka, maadaama shirka wali uu socdo iyadoo warbaahintana ay dibad joog ka tahay, shirka kadib waxaa la filayaa in ra’iisul wasaare Rooble iyo wakiilada beesha caalamka ay wadajir warbaahinta ula hadlaan.

Kulankan wuxuu ku soo beegmay saacado kadib markii NISA ay sheegtay inuu socdo qorshe Shabaab ay ku dileyso ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo, waxeyna hay’ada soo bandhigtay magaca nin ay ku sheegtay Maxamed Maahir oo ah shaqsiga fulinta qorshahan madaxda ka ah