Rooble Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Madaxda Dowlad Goboleedyada

MUQDISHU-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay Magalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay qaar ka mid ah Madaxda Dowlad Goboleedcyada dalka.

ooble ayaa xalay si gaar ah ula kulmay  madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle, waxaana dhinacyadu ay ka wada hadleen inta shirku socday, waxyaabo dhowr ah oo quseeya siyaasadda dalka, gaar ahaan arrimaah taagan, ee kasoo cusboonaaday xaaaladda dalka.

Shirka xalay dhex maray Rooble, Laft-gareen, Qoorqoor iyo cali Guudlaawe ayaa imaanaya  ka hor Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ka furmaya Muqdisho.