Rooble oo laamaha Amniga Baraawe kala hadlay Amniga doorashooyinka

3

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxaa ay kulan la qaateen Saraakiisha Laamaha Amniga Qeybahooda kala Duwan iyo Taliska Ciidanka Amisom Qeybta Degmada Baraawe.

Kulan ayaa  looga hadlay xaqiijinta Amniga Doorashooyinka  Aqalka hoose ee dhawaan la filayo inay ka dhacaan degmada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay fareen saraakiisha Hay’adaha Amniga degmada Baraawe inay dardar geliyan howlaha sugida amniga & la dagaalanka Al-Shabaab.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi,Wasiirka Gaashandhiga,Maamulka Gobolka,kan Degmada Baraawe.