Rooble Oo Lakulmay Ururada Bulshada Rayidka & Culimada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan wadatashi ah oo ku addan doorashooyinka la qaatay Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo culima’udiinka Soomaaliyeed.

Kulankan oo lagu xoojinaayey xiriirka wada shaqayneed ee Urrurada Bulshada, Culima’udiinka iyo dowladda, isla markaana looga wadatashanayay tallooyinkooda ku addan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho nabadoon.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada rayidka ah iyo culima’udiinka warbixin faah faahsan ka siiyey dadaallada xukuumadda ee ku addan qabsoomidda doorasho xasilloon, isagoona sheegay in booqashooyinkii uu ku tagey Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug ujeedkoodu ahaa sidii loo xalin lahaa tabashooyinka jira.

Guddoomiyaha ururrada bulshada rayidka ah ee SONSA Cismaan Muxyadiin Shaatax ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay isla meel dhigeen dhowr qodob oo saldhiggoodu yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho ku qabsoonta jawi nabdoon, iyadoo la ilaalinayo heshiisyadii siyaasadeed ee laga gaaray doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay la wadaageen tallooyin wax dhisaya, iskuna afgarteen in meel looga soo wada jeesto wax walba oo dhaawacaya nabadda iyo horumarka dalka.