Rooble Oo magacaabay guddi baaritan ku sameeya xubnaha guddiga doorashada ee lagu muransan yahay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddi u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee Cabashada laga soo gudbiyay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in Guddi heer Wasiiro ah uu Rooble u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha ku jira Guddiga doorashada ee horey cabshada looga soo gubiyay.

Guddiga la magacabay ayaa laga sugayaa inay soo xaqiijiyeen oo ay caddeeyan xubno ku dhow illaa 20 oo la sheegay inay kamid ahaayeen Shaqaalaha Madaxtooyad, Hay’adda Nabad-sugida ee NISA, Ciidamo iyo xubno daacad u ah madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Magacaabista Guddigaan ayaa waxaa ay ku cadahay qodobka 1-aad ee heshiiskii dhawaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay ka gaareen khilaafkii ka taagnaa doorashada dalka ka dhaceysa.

Guddigii doorashooyinka iyo kuwo xalinta khilaafaadka ee horey u magacaawday Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa cabasho farabadan ka keenay Midowga Musharaxiinta, waxaana la sheegay inay ku jiraan Saraakiil Ciidan iyo shaqaale dowladeed.