Rooble oo oo Bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 61 sano guurada xoriyadda

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 61 sano guurada ka soo wareegtay Xorriyadda dalkeenna ee 1da Luulyo iyo Midowga Koonfur iyo Waqooyi.

“Waaxan Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan Sanad guurada 61aad ee ka soo wareegtay Xorriyaddii Gobollada Koofureed ee dalkeenna, Midowgii Koonfur iyo Woqooyi iyo Dhalashadii Qarankeenna.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed ay abaal u hayaan, kuna faanayaan aabbeyaashii u soo halgamay, soona hooyay xorriyadda aan ku naallooneyno, kuwaas oo guusha ku gaaray isku duubni, wadajir, walaalnimo iyo is-jaceyl.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay in 61 sano ka dib, weli baahida ugu weyn ee la qabo ay tahay midnimo iyo wadajir oo ah jidka kaliya ee lagu gaari karo horumarka la hiigsanayo, kulana tartami karno dalalka iyo dadyowga adduunka.