Rooble oo shaqada ka ceyriyay xubno katirsan Guddiga Xalinta Khilaafadka kuwo kalena magacaabay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka kadib markii ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo iyagoo ku milmay siyaasadda isla-markaana ay baal mareen xeer anshaxa doorashada

Magacyada Xubnaha xilka laga qaaday ee Guddiga xalinta Khilaafaadka iyo xubnaha lagu bedelay.

1. Xuseen Laki Maxamed Maxamuud

2. Axmed Saclid Samatar

3. Maxamed Faarax Xersi

4 Nimco Axmed Cabdi

5. Cali Maxamuud Faarax (Seeko)

6. Cabdiramaan Maxamed Cali

7 Maxamed Ciise Heybe.

Eedeymaha loo cuskaday waxaa ka mid ah inay lumiyeen madax bannaanimadii Guddinimo, iyagoo ku milmay siyaasadda, waxaa qaarkood la sheegay in Madaxtooyada lagu arkay, xilligii murankii ka taagnaa kursiga HOP067.

Sidooka’e waxaa la magaacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay ka mid noqdaan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka iyagoo beddelaya xubnaha kore ee xil ka qaadista lagu sameeyay VASKARAHA

1 Ismail Maxamed Axmed

2 Fardowsa Mataan Buulle

3 Ayaanle Axmed Cabdulle

4 Bashiir Axmed Yusuf

5 Xasan Axmed Dhicisow

6 Axmed Barre Maxamed

7 Maxamed Cawil Warsame

Dhammaan guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan waxaa lagu wargelinayaa in ay dhawraan anshaxa iyo dahfurnaanta doorashooyinka, ilaaliyaan madax-bannaanidooda kana fogaadaan ku milmidda siyaasadda.

Xeerkan waxuu dhaqangelaayaa marka uu saxiixo Raisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.