Ruushka iyo Wadankale oo qarka u saaran dagaal.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ruushka ayaa isaga baxay wadahadalo u socday iyaga iyo Japan, oo laxiriiray Jasiirado ay labadan dal Ku muransanaayeen.

Japan ayaa dhaleeceysay go’aanka Ruushka uu uga baxay wadahadaladii heshiiska nabadda ee labada dhinac iyo in ay si wadajir ah u joojiyan mashaariicda dhaqaale ee la xiriira jasiiradaha lagu muransan yahay.

Ruushka iyo Japan ayaan wali si rasmi ah u soo afjarin dagaalkii labaad ee aduunka sababtoo ah wali kuma hishiinin cida leh jasiiradaha ku yaala Hokkaido ee waqooyi Japan.

Waxa ay Ruushka u yaqaanaan Kuril, Japanna waxay utaqaanaa Dhulalka Waqooyi oo katirsan Japan.

Ruushka iyo Japan ayaa waxaa uu socday wada hadalo laxiriira jasiiradahadan.

Go’aanka Moscow ee ah in ay ka baxdo wadahadallada ayaa ku soo beegmaya iyada oo ka aargoosanaysa cunaqabataynta ay Tokyo ku soo rogtay duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Jasiiradahan ayaa waxa qabsaday Midowgii Soofiyeeti dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka, Ruushkuna waxa uu ku andacoonayaa in la wareegidaasi ay ahayd mid cadaalad ah si la mid ah isbedaladii lagu sameeyay xuduudaha caalamka dagaalka ka dib. Japan ayaa taasi ka hor timid, waxay weli sheegeysaa in ay dhulkaasi ay leedahay.