Ruushka oo dalabka cusub hordhigay Isbahaysiga militariga NATO.

RUSSIA AND NATO
xaddidaada dhaqdhaqaaqa isbahaysiga militariga NATO

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ruushka ayaa dalbaday in la xaddido dhaqdhaqaaqa isbahaysiga militariga NATO ee uu Mareykanku horkacayo ay ka wadaan dalalka ku yaalla Bariga Yurub.

Dalabaadyada, oo ay u badan tahay inaan laga oggolaan, ayaa ku soo aadaya xilli dalalka Galbeedka ay ka baqayaan in Ruushku uu qorsheynayo duullaan uu ku qaado deriskiisa Ukraine.

Ruushka ayaa arrintan beeniyay, balse wuxuu doonayaa in Nato ay isbahaysigeeda ka hor istaagto Ukraine iyo dalalka kaleba.

Wuxuu sidoo kale codsaday wada hadallo deg deg ah oo uu la yeesho Mareykanka.

Mareykanka ayaa sheegay inuu u furan yahay wada hadal balse uu sidoo kale miiska soo saarayo dalabaadkiisa.

“Waxaynu Ruushka kala xaajooneynay arrimaha ammaanka Yurub 20-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri La Taliyaha Ammaanka Qaranka Jake Sullivan.

“Taasi mararka qaar horumar ayaa laga gaaray, mararka qaarna way dhicisoobeen, balse waanu u diyaarsannahay wada hadal.”

Goor sii horreysay shalay, afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki ayaa weriyeyaasha u sheegtay in Mareykanku uusan keligii wada hadal geli doonin: “Ma jiri doonaan wada hadallo ku saabsan ammaanka Yurub oo ay ka maqan yihiin saaxiibbadeen Yurub.”

Nato, oo markii hore loo aasaasay inay Yurub ka difaacdo khataraha suurtogalka ah ee uga imaan karay Midowgii Soofiyeetka, ayaa ciidamo waxay ka joogaan jamhuuriyadaha Baltic iyo Poland.

Ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Sergei Ryabkov ayaa sheegay in Ruushku uu Mareyanka iyo Nato u soo bandhigay labo qaraar. Ma jiro ikhtiyaar kale, ayuu yiri, iyadoo “xiriirka Ruushka iyo dalalka kale ee Galbeedka ay is aaminaaddu ka maran tahay”.

Waxyaabaha uu soo jeediyay Ruushka waxaa ka mid ah dalabaadyo culus oo ay ka mid yihiin in dalalka ku biiray Nato kaddib Midowgii Soofiyeetka aysan ciidamo iyo hub geyn karin meelaha loo arko inay khatar ku yihiin Ruushka. Maraakiib dagaal aan loo oggolaan doonin meel ka baxsan dalkooda amaba meelaha ay ka soo weerari karaan Ruushka.

Tan ayaa micnaheedu wuxuu yahay in Nato aysan wax lug ah ku yeelan dhammaanba saddexda jamhuuriyadood ee Baltic ama Poland. Sidoo kale Nato ayaa laga doonayaa inay ka hor timaaddo qorshooyinka Ukraine iyo Georgia ay ugu biirayaan isbahaysiga Galbeedka.