Ruushka oo digniin Culus u diray Mareykanka

MUQDISHU-AYAAMAHA-Russia ayaa Khamiista maanta ah uga digtay Mareykanka inay Moscow ay halka uu mudan yahay dhigi doonto dalka ah quwadda koowaad ee adduunka, ayada oo ku eedeysay Reer Galbeedka inay abuurayaan shirqool Ruushiyaan naceyb oo lagu kala dhantaalayo Ruushka.

Dmitry Medvedev, oo 2008 illaa 2012 ahaa madaxweynaha Ruushka, haddana ah xoghaye ku-xigeenka Golaha Ammaanka Ruushka, ayaa sheegay in Mareykanka ay kiciyeen Ruushiyaan naceyb “laga yaqyaqsiyoodo” si ay jilbaha ugu dhigaan Russia

 

Taasi ma shaqeyn doonto – Russia waxay dhammaan cadowgeeda dhigi doontaa halka ay mudan yihiin,” ayuu yiri Medvedev.

Tan iyo markii Russia ay ku duushay Ukraine 24-kii Febraayo, Mareykanka iyo xulufadiisa Yurub iyo Asia ayaa cunaqabatayno xooggan kusoo rogay hoggaamiyayaasha Russia, shirkadaha, iyo gacasatada, waxayna Moscow ka gooyeen inta badan dhaqaalaha adduunka.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in waxa uu ugu yeeray howlgal militari oo gaar ah oo ka socda Ukraine uu yahay lagama maarmaan, sababtoo ah Mareykanka wuxuu Ukraine u adeegsanayey inuu halis geliyo Russia, waxaana Russia qasab ku noqday inay difaacdo “xasuuqa” ka dhanka ah dadka ku hadla luuqadda Ruushka ee Ukraine.