Ruushka oo ka hadlay hadal-haynta ku saabsan xaalada caafimaad ee madaxweyne Putin

Editorial use only. HANDOUT /NO SALES HANDOUT /NO SALES Mandatory Credit: Photo by RUSSIAN PRESIDENT PRESS SERVICE/HANDOUT/EPA-EFE/Shutterstock (12820799a) A handout photo made available by Russian President Press Service shows Russian President Vladimir Putin as he speaks about authorising a special military operation in Ukrainian Donbass region in Moscow, Russia, 24 February 2022. Russian President Vladimir Putin announced a 'special military operation in the Donbass with the aim, as he put it, of demilitarizing and denazifying Ukraine, as well as bringing to justice those who committed numerous bloody crimes against civilians.' Martial law has been introduced in Ukraine, explosions are heard in many cities, including Kiev after Russian troops entered Ukraine early 24 February. Russian President Vladimir Putin announced a 'pecial military operation' in the Donbass, Moscow, Russian Federation - 24 Feb 2022

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa markii ugu horraysay ka hadashay wararka in muddo ah la isla dhex marayay ee la xiriira xaaladda caafimaad ee madaxweyne Vladimir Putin.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine waxaa soo baxayay hadal-hayn ku saabsan in uu xanuunsan yahay Putin.

Hase yeeshee wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa Axaddii beeniyay sheegashooyinka noocaas ah, isagoo sheegay in aysan jirin wax calaamado ah oo muujinaya inuu xanuunsan yahay Madaxweynaha.

Arrimaha ku aaddan xaaladda caafimaad ee Putin iyo noloshiisa khaasha ah waa kuwo xasaasi ka ah gudaha Ruushka oo aan laga hadlin, xitaa madaxduna inta badan kuma soo hadal qaadaan fagaareyaasha iyo warbaahinta.

Balse diblomaasiya ugu sarreeya xukuumadda Moscow oo ka jawaabayay su’aal lagu waydiiyay waraysiga uu siiyay telefishinka Faransiiska ee TF1 ayaa yiri: “Uma malaynayo in dadka miyirka qaba ay arki karaan calaamado qofkan looga dareemayo inuu xanuunsan yahay ama uu qabo xanuun yar.”

Lavrov ayaa sidoo kale sheegay in Putin, oo bisha October 70 jir noqonaya “uu maalin walba kasoo muuqdo fagaareyaasha”.

“Waad ka daawan kartaa shaashadaha, waadna aqrisan kartaa oo dhagaysan kartaa khudbadihiisa,” ayuu yiri Lavrov oo hadalkiisa ay soo bandhigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka.

“Waxaan arrinta u dhaafayaa qaabka ay u fikirayaan dadka faafinaya wararka la isla dhex marayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Vladimir Putin, oo awoodda Ruushka haystay in ka badan labaatan sano, ayaa 24-kii bishii February militerigiisa u diray dalka Ukraine, halkaasoo ay ka wadaan dagaal saameyn ku yeeshay guud ahaan dunida.

Weerarka ay Moscow ku qaadday Ukraine ayaa lagu dilay kumannaan qof, waxa uuna horseeday xasaradihii qaxooti ee ugu xumaa ee soo mara Yurub tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.