Ruushka oo kaalmo militari ka dalbaday dalka Shiinaha

This undated picture released by the official website of the Iranian Army on Friday, Oct. 1, 2021, shows ground forces troops attending a maneuver near Iranian border with Azerbaijan. Iran's national army began exercises on Friday near its border with Azerbaijan, putting on a display of military capabilities near a neighbor it is increasingly skeptical of for its ties to the West and Israel. (Iranian Army via AP)

MUQDIAHO-AYAAMAHA-Ruushku waxa uu Shiinaha waydiisanayaa kaalmo milatari iyo mid dhaqaale labadaba, sida ay sheegayaan warbixinnada Financial Times iyo wargeyska New York Times.

Moscow waxay doonaysaa in Beijing ay siiso sahay militari si loogu isticmaalo Ukraine, sida uu qoray wargeyska Financial Times .

Isagoo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin, ayuu wargeysku sheegay in Ruushku uu codsanayay qalabka Shiinaha tan iyo markii uu billowday duullaanka Ukraine.

Saraakiisha ayaa ka gaabsaday inay qeexaan nooca qalabka uu Ruushku ka dalbanayo Shiinaha.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in ay jiraan calaamado muujinaya in Shiinaha laga yaabo in uu isu diyaarinayo in uu ka caawiyo Ruushka dagaalak dalka Ukraine.

Warbixin kale oo lagu daabacay wargeyska New York Times – oo mar kale soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah – ayaa sheegtay in Ruushka uu sidoo kale codsanayo kaalmo dhaqaale si loo yareeyo saameynta cunaqabateynta.

Shiinaha ayaa ilaa hadda isku dayaya in uu isu muujiyo in uu dhex dhexaad ka yahay dagaalka Ruushka iyo Ukraine, mana uusan cambaareyn duullaanka.

Maanta La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa la filayaa inuu wadahadal kula yeesho magaalada Rome mas’uul sare oo ka tirsan siyaasadda arrimaha dibadda Shiinaha, Yang Jiechi, .