Ruushka oo la yimid qorshayaal cusub oo ku aadan dagaalka Ukraine

MUQDISHO-AYAAMAHARuushka ayaa qorshihiisa dagaal hadda u weeciyay dhanka bari ee dalka Ukraine, halkaasi oo ciidamada Ukraine ay ku wajahayaan dagaal adag oo si weyn loo diyaariyay.

Ciidamada Ruushka ayaa dib ugu gurtay bariga Ukraine, waxaana soo shaac baxay cabsi laga qabo tuulooyinkii ay ka baxeen.

Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in cutubyada ciidamada ugu fiican ee Ukraine ay ku suganyihiin dhanka bariga. Ilaa hadda, ciidamada Ukraine ayaa si adag isaga caabiyay duulaanka Ruushka, balse waxaa laga yaabaa inay aad uga tiro badnaadaan ciidamada Ruushka.

Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay inay qorshaha ciidamadoodu uu hadda yahay “xoreynta dhameystiran” ee Donbas, iyaga oo si ballaaran u isugu fidinaya gobollada bariga Ukraine ee Luhansk iyo Donetsk.

Dhulka bariga ayaa caqabado waaweyn ku keeni doona Ruushka marka ay soo weeraraan sida ay sheegeen falanqeyayaasha.

La taliyaha madaxweynaha Ukraine Mykhaylo Podolyak ayaa u sheegay telefishinka qaranka in “Ukraine ay diyaar u tahay dagaallo waaweyn” oo ka dhan ah Ruushka.

Waxa uu intaa ku daray in Ukraine ay ku qasban tahay inay dib u riixdo ciidamada Moscow ee ku sugan bariga Donbas, halkaas oo Moscow ay maamusho laba gobol oo gooni u goosad ah.