Ruushka oo qaaday tallaabo kale oo cabsi gelisay dalalka Yurub

Editorial use only. HANDOUT /NO SALES HANDOUT /NO SALES Mandatory Credit: Photo by RUSSIAN PRESIDENT PRESS SERVICE/HANDOUT/EPA-EFE/Shutterstock (12820799a) A handout photo made available by Russian President Press Service shows Russian President Vladimir Putin as he speaks about authorising a special military operation in Ukrainian Donbass region in Moscow, Russia, 24 February 2022. Russian President Vladimir Putin announced a 'special military operation in the Donbass with the aim, as he put it, of demilitarizing and denazifying Ukraine, as well as bringing to justice those who committed numerous bloody crimes against civilians.' Martial law has been introduced in Ukraine, explosions are heard in many cities, including Kiev after Russian troops entered Ukraine early 24 February. Russian President Vladimir Putin announced a 'pecial military operation' in the Donbass, Moscow, Russian Federation - 24 Feb 2022

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirkadda shidaalka Gazprom ayaa sheegtay inay mar kale aad u dhimi doonto shidaalka ay siiso Yurub ee ay u marsiiso dhuunteeda shidaalka ee ugu weyn, sababo la xiriira shaqada dayactirka ee socota.

Tallaabadan ayaa 20 boqolkiiba hoos u dhigi doonta wax-soo-saarka gaaska maalinlaha ah, marka loo eego sahayda hadda gaarta.

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in aysan jirin sabab farsamo oo lagu xaddidayo gaaska.

Waxay u badan tahay in dalalka Midowga Yurub ay ku adkaanayso inay buuxiyaan keydadkooda gaaska ka hor xilliga qaboobaha.

Dhuunta shidaalka ee Nord Stream 1, oo gaaska kasoo qaadda Ruushka kaddibna Jarmalka gaarsiisa, ayaa muddo toddobaadyo ah gaabis ahayd, waxaana horraantii bishan gebi ahaanba la xiray muddo 10 maalin ah si loo dayactiro.

Ruushka ayaa sanadkii hore gaarsiiyay Midowga Yurub 40 boqolkiiba gaaska uu soo saaro, Midowguna wuxuu Ruushka ku eedeeyay inuu gaaska u adeegsanayo hub ahaan.

Komishanka Yurub ayaa ku booriyay inay dalalku 15 boqolkiiba hoos u dhigaan isticmaalka gaaska toddobada bil ee soo socota, kaddib markii uu Ruushku ka digay inuu xaddidi doono ama joojin doono gabi ahaanba sahayda gaaska ah.

Marka la eego soo jeedinta, bartilmaameedka oo hadda tabarrucaad ah wuxuu isu rogi karaa mid la isku qasbo marka ay timaado xaalad degdeg ah.

Madaxa Komishanka Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in rajada laga qabo in Ruushka uu jaro dhammaan sahayda gaaska ee uu siiyo Midowga Yurub ay tahay “xaalad macquul ah”.

Maanta oo Tallaado ah ayaa lagu wadaa in wasiirrada tamarta ay ku kulmi doonaan magaalada Brussels, iyagoo isku dayaya inay saxiixaan qorshayaasha.

Laakiin, diidmo ayaa la filayaa inay ka timaado qaar ka tirsan dalalka xubnaha ka ah Midowga.

Isagoo ka jawaabaya hadalka shirkadda Gazprom, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in tani ay tahay “dagaal dhanka gaaska ah oo uu Ruushku ku hayo Midowga Yurub, ” ayuu yiri.