Ruushka oo shaaciyey inuu gaaray ujeeddooyinkii dagaalka Ukraine ee wejigiisa koowaad.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha Ciidanka Ruushka Sergei Rudskoy oo ah madax hawgallada ee taliska guud ee ciidmada Ruushka ayaa sheegay in hawlihii ugu muhiimsanaa ee wejiga koowaad ee howlgalka ay fuliyeen.

Wuxuuna intaa ku daray in awoodda dagaalka ee ee ciidamada qalabka sida ee Ukraine ay si weyn hoos ugu dhaday, taas oo uu sheegay in ay gaaraan u oggolaanayso in yoolkooda ugu weyn oo ah xoraynta Donbass, oo ah gobol ku yaal Bariga Ukraine oo qaar badan oo gobolkaas ka mid ah ay gacanta ku hayaan gooni u goosato Ruushka taageerta.

Ciidamada Ruushka ayaa markii hore isku dayay in ay hareereeyaan caasimadda Kyiv. Balse markay duqeeyeen ka dib oo ay qabsadeen magaalooyin dhowr ah oo ku yaala waqooyi-galbeed, ayaa ciidamada Ukraine, oo hadda isku dayaya inay hareereeyaan kumanaan askarta Ruushka ah, ayaa ku guuleystay in ay ku qasbaan in ay dib u gurtaan.

Dhinaca kale, ciidamada Ruushka ayaa guulo waaweyn ka gaaray xeebaha koonfureed, halkaasoo ay la wareegeen gobollo iyo magaalooyin ay ka mid tahay Kherson, waxay sidoo kale guulo ka gaareen dhanka Bariga.

Moscow waxay hadda sheegtay in 93% gobolka bari ee Luhansk ay gacanta ku hayaan gooni-goosadka ay taageeraan, 54% gobolka kale ee bari ee Donetsk uu gacantooda ku jiro.

Andrei Yermak, oo ah madaxa shaqaalaha madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa ka digay in Ruushku “ay ka tanaasuleen qorshihiisii ahaa in ay kula wareegaan Ukraine inteeda kale”.

Docda kale, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday in 1,351 askari looga dilay Ukraine 3,825 kalena lagu dhaawacay.

Saraakiisha Ukraine ayaa ku andacoonaya in dhimashada Ruushka ay gaartay in ka badan 16,100 oo askari.

Tirada dadka ku dhintay dalka Ukraine tan iyo markii uu dagaalka bilowday ayaa hadda gaartay kumanaan qof, iyadoo 10 milyan oo qof ay ku barakaceen gudaha Ukraine iyo meelo ka baxsan xuduudaheeda, Qaramada Midoobay ayaa illaa hadda xaqiijisay 1,081 qof oo rayid ah, in ka badan 3.7 milyan oo qof ayaa u qaxay dibadda, oo ay ku jiraan 2.2 milyan oo Poland gaaray.

BBC.