RW Rooble iyo Qoor Qoor oo Isbitaalka ku baaqday dhaawacyada dagaalkii Wisil

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa isbitaalka ku booqday askar iyo rayid ku soo dhaawacmay  weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Wisil ee gobolla Mudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo isdul taagay dhaawacyada ayaa dhakhaatiirta ka dhageystay warbixinta la xiriirta dhaawacyada, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah, waxa uuna uga mahadceliyay sida geesinimada leh ee ay isaga caabiyeen cadowga Al-Shabaab oodeegaankooda soo weeraray.