RW Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada & Midowga Musharixiinta oo kulan yeeshay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay casho sharaf uu Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye u sameeyay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran iyo qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Kulanka ayaa yimid kaddib markii la soo gebogabeeyay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo laga soo saaray Jadwalka Doorashooyinka Dalka.

Madaxda ayaa iska xog wareystay xaaladda dalka, dardar gelinta arrimaha doorashooyinka iyo sidii qof walba uu uga qeyb qaadan lahaa.

Madaxda dowlad Goboleedyada ayaa waxaa la filayaa in mid walba uu dib ugu laabto degaannadiisa si uu u muujiyo diyaar garoowgiisa ku aadan arrimaha doorashooyinka.