RW Rooble oo digniin siiyay Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda (Halkan ka aqriso)

Warqad kasoo baxday xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu faray golaha Wasiirada iyo hay’adaha kale ee dowladda in aysan gaari karin sidoo kalena shaacin karin go’aano cusub oo aan lasoo ogeysiin Ra’isul Wasaaraha dalka.

Ra’isul Wasaare Rooble qoraalkan uu soo saaray oo ku taariikheysan 26-ka bishan ayuu ku wargaliyay golaha Wasiirada iyo hay’adaha kale ee dowlada in ogolaansho uga helaan xafiiskiisa go’aanada cusub ay gaarayaan.

Amarka Ra’isul Wasaare Rooble ayaa u muuqda mid Wasiirada Xukuumada iyo hay’adaha kale ee dowlada federaalka looga digayo xiligan kala guurka iyaga oo ka faa’iideesanaya sameeyaan magacaabis iyo xil ka qaadis uusan Rooble ka warheyn.