RW Rooble Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb

DH/MAREEB-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya  Maxamed Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay Xarunta Maamul Goboleedka Galmuug ee Dhusamareeb, waxaana soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha ka qayb qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka qayb qaatay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maalmihii uu ku sugnaa Garoowe waxaa uu kulamo aan wax natiijo ah kasoo bixin la qaatay Madaxweynaha Puntland, kadib markii RW Rooble ka dalbaday Puntland inay soo Magacaabaan Guddiga Doorashada ee heer dowlad-goboleed, balse Madaxweyne Deni ayaa ku adkaystay in marka hore laga hadlo arrinta gobolka Gedo iyo Doorashada Xildhibaannada Somaliland ee DFS, waxaana taasi ay keentay in maanta uu isaga soot ago Magaalada Garoowe.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona  madaxda Maamaulka Galmnudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug, waxaana uu kala hadli doonaa arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan doorashooyinka dalka ka dhici doona, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay fashil kusoo dhamaadeen kulamo siyaasadeed oo u lasoo yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.