RW Rooble oo shir guddoomay kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha XFS ee shaqada ka sii tagaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dowladda cusub.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu amaanay sida uu u daadihiyey doorashadii lagu doortay Xasan Sheekh Maxamuud, loogana adkaaday Madaxweynihii isaga soo magacaabay ee Maxamed cabdullaahi Farmaajo oo muddo halsano iyo bar ah kursiga ku fadhiyey si sharci darro.

May be an image of 5 people and people standingMay be an image of 14 people, people standing and textMay be an image of 7 people, people standing and text