RW Xamze iyo Madaxweynaha Tunisia oo ka shiray arrimo muhiim ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa waxa saaka madasha shirka caalamiga ee #TICAD8 ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Tunisia, Mudane Qays Saciid, oo martigelinaya shirka oo si rasmi ah maanta uga furmay caasimadda Tunis.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee ka qaybgalaya shirka waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar.

Sidookale wafdiga RW ayaa waxaa qeyb ah la taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Xiriirka Caalamiga, Dr Hodan Osman, Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Fadumo Cabdi Cali, iyo Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada, Farhan Jimale.

RW Xamse ayaa shirka ka jeedin doonna khudbad uu kaga hadlaayo xaaladdaha Soomaaliya iyo abaaraha.