Saameynta doorashada ku yeelankarto diidmada Mareykanka iyo Britain ee lacagta doorashada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shir saxaafadeed wadajir ay u qabteen labada Danjire ee Mareykanka iyo Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Colleen Crenwelge iyo Kate Foster, ayey kaga digeen in muranka ka taagan doorashada uu sababo colaad ka dhacda dalka, taasoo aanay dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed ee jilicsan. “Waxaan soo jeedinaynaa in wixii cabasho ah oo jira loo maro hab wada-hadal iyo nabagelyo,” ayey tiri Colleen Crenwelge oo ah sii hayaha xilka Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya.

Waxay labada Danjire sheegeen in maamulka Villa Soomaaliya, Xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo Midowga Musharixiinta ay kulamo la yeesheen ku wargeliyeen in la fogaado colaad iyo rabshad, oo danta dadweynaha laga hormariyo midda siyaasiyiinta.

Waxay caddeeyeen inay iska diideen codsi maalgelinta doorashada oo ka yimid Dowladda Soomaaliya oo lagu dalbanayey $2.7, illaa la xaqiijiyo sida lacagtaasi loo isticmaalay iyo in lacagta diiwaan-gelinta musharrixiinta lagu shubo xisaabta mideysan ee Bangiga Dhexe, lana igaado halka ay ku bexeyso lacagtaasi.

“Waxaan caddeynay in lacag aanan ogaan karin halka ay ku bexeyso aanan bixin karin. Mas’uuliyad ayaa iga saaran ka danjire ahaan inaan la socdo oo aan isha ku hayo waxa lagu bixinaayo lacagta UK, waayo waa lacag ay bixiyeen dadka canshuur bixiyaasha Ingiriiska,” ayey tiri Kate Foster oo ah Danjiraha UK.

Waxay xuseen inay maqleen wararka sheegaya in musuqmaasuq uu hareeyay nidaamka doorashada ayna ka walaacsan yihiin habka aan daahfurneyn, ee aan loo dhameyn ee saameynta ku yeeshay hannaanka xulista xildhibaannada.

Arrintaan ayaa dib u sii dhigakara doorashada Soomaaliya ee soo jiitameysay tan ilaa 2019.