Saameyntii siyaasadeed ee Saciid Deni uu ku lahaa Muqdisho oo halmar keliya dhulka gashay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa hoos u dhac weyn uu ku yimid saameyntii siyaasadeed ee madaxweynaha Puntland  Saciid Cabdullahi Deni uu ku lahaa siyaasadda Soomaaliya tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Puntland.

In uu Saciid Deni waayo taageradiisa siyaasadeed ee Xamar ayaa lagu sheegay iney tahay damaciisa siyaasadeed oo noqday mid kala talis ah maadama uu soo dhisay xubno Aqalka Sare oo dantiisa oo kaliya ka shaqeeya.

Waxaa sidoo kale  Midowga Musharaxiinta ay ku naceen madaxweynaha Pntland sida uu ugu hanqal taagayo inuu soo xulo kala bar ergooyinka isagoo hor baadaya barnamijka awooda loogu sii nayo madax goboleedyada iney awoodda wax ku yeeshaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale aan soo magacaabin xubno Aqalka Sare oo ay ku jiraan kuwa mucaaradka gaar ahaan xisbiyada UPD iyo Himilo Qaran oo madaxweynayaashii hore ee dalka ay hogaamiyaan.

Sacii Deni ayaa sidoo kale saaxiibo siyaasadeed ku lahaa Xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha shacabka gaar ahaan kuwa mucaaradka kuwaa oo dhamantood maanta aan tagin garoonka Aadan Cadde si ay u soo dhaweeyaan.

Deni ayaa u muuqda inuu noqday daneeste kadib markii uu ballanta uga baxay Midowga Musharaxiiinta oo uu soo saartay xubno isaga daacad u ah waxaana la soo sheegayaa in damaciisa uu yahay sidii uu u noqon lahaa Madaxweyne isagoo isa soo sharixi doona marka laa doorto Xildhibaanka ugu dambeeya taas oo dhabar jab ku ah codadkii ay hele lahaayeen musharaxiinta madaxtnimo ee mucaradka.