Sababta loo fulin waayey xukunada dilka ee Maxkamada ciidamada qalabka sida

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa ka hadlay sababaha dadka ay uhor istaagaan dilalka dembiilayaasha la xukumay ee xabsiyada ku jira.

Gaashaanle sare Shuute ayaa sheegay inay sabab uyihiin dadka oo xukuno la riday balse la fulin waayey.

Shuute ayaa sheegay in ay caqabado badan ay jiraan,islamarkaana xukunada la rido ay Maxkamada diyaar u tahay in ay fuliso balse dadka ay diyo qaataan marka xukunada la rido kadib.

Gudoomiye Shuute ayaa cod dheer ku sheegay in ay yaraan lahaayeen hadii sida maxkamada xukunada urido loo fulin lahaa cadaaladana ay noqon laheyd mid lawada dareemo oo aysan odayaal dhaqan ay lacago kala qaadan maxkamada kadib.

Gudoomiye Shuute ayaa si kulul u yiri” Maxkamada waxay wajaheysaa caqabad adag, Sanadkii tagay 150 qof oo dilal bareer ah geystay Maxkamaduna ku xukuntay dil laguma fulin toogashada”.