Saciid Deni iyo wafdi uu hogaaminaayo oo soo gaaray Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA- Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada caasimada ee Muqdisho.

Deni ayaa ka qeyb geli doono shirka qadatashiga ee doorashooyinka oo la filayo inuu dhawaan ka qabsoomo Teendhaha Afisyooni ee garoonka Aadan Cadde.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu hogaanka u qabto shirka, waxaana laga filayaa inuu ka soo baxo heshiis ku saabsan doorashooyinka dalka.