Saciid Deni kulamo ka billaabay magaalada Nairobi

Muqdisho-Ayaamaha-Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulamo kawada madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni  kuwaa oo intooda badan ah kulamo siyaasadeed ah.

Sidoo kale waxaa madaxweynaha Puntland la filayaa inuu kulan la qaato safiirka Sacuudiga u fadhiya Kenya oo uu kala hadli doono arrimaha doorashada iyo casuumaadii la hakiyay ee Boqortooyada soo marsiiysay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Safarka madaxweynaha Puntland ee Nairobi ayaa yimid kadib Shirkii Arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho ku soo xirmay kaas oo laga soo saaray habraaca jadwalka doorashada Aqalka hoose ee Baarlamka dalka.

Ujeedka kulamada uu Deni wado ayaa ah kuwa ku ugu xusul doobayo doorashooyinka soo socda, si uu galaan-gal xoogan ugu yeesha doorashada heer federaal, inkastoo warar hore usoo baxay ay shaaciyeen inay ‘suuragal tahay inuu isku soo taago xilka madaxweynaha’.

Soomaaliya ayaa waxaa ay sanadkan galeysa doorasho adag oo ay ku tartamayaan siyaasiyiin saameyn leh, waxaana socda olole xoogan oo loogu jiro doorashooyinka.