Saciid Deni oo caawa ku dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweynaha Somalia

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Puntland Jaamac Dabaraani ayaa waxaa uu ku shaaciyay in Madaxweyne Saciid Deni uu yahay Musharax Madaxweyaha dalka Soomaaliya, xili hore warar u soo baxayay ay sheegeen inuu Deni sharaxnaa.

Madaxweynaha Puntland ayaa galabta kulan la qaatay Xildhibaanada labda Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee laga doortay Maamulkaas, isagoo ugu hambalyeeyay guushii ay gaareen, sidoo kalena u rajeeyay inuu Alle xilka u fududeeyo.

“Madaxweyne Deni wuxuu u taaganyahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waa hoggaamiye samata bixin kara dalkeena. Soomaaliya waxay u baahantahay in dadku codeeyo iyo in nabad la helo labadaasina isaga ayaa ku suntan” ayuu yiri Afhayeen Jaamac Dabaraani.

Si kastaba, Saciid Deni ayaa muddo dheer lagu xamanayey inuu isku diyaarinayo doorashada hoggaanka ugu sareeya dalka, taasoo laga gartay sida uu maamulay doorashadii xubnaha labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka…