Saciid Deni oo guuldaradii doorashada kadib abaabul ciidan ka billaabay Puntland.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay Saraakiisha Taliska Ciidanka Booliska Maamulkaasi Puntland .

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga Cabdisamad Gallan, Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliye-xigeennada iyo qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha ayaa warbixin Amni iyo shaqada Booliska ee socota ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska, wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyay sida Ciidanka har iyo habeenba ugu heelan yihiin sugida Amniga, isagoo faray in ay sii dardar geliyaan gudashada waajibaadkooda.

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska Puntland ayaa kamid ahaa Madaxdii shalay hortagtay Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ee lagu weeydiiyay su’aalo la xiriiray xaaladda Amni ee degaannada Puntland.

Saciid Deni oo doorashadii ka dhacday Muqdisho kala kulmay guuldaro aad u weyn ayaa maalmahaan waxaa uu wadaa abaabul dhanka ciidamda ah, wuxuuna maalin ka hor la shiray ciidamda Militeriga Puntland, iyadoo xalayna uu la kulmay ciidamada Boolisha, waxaana arrintaan loo arka u diyaargarowga Mucaarad ka dhan ah dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh.