Saciid Deni oo loo haysto inuu maleegay shirqool dil ah.

GAROOWE-AYAAMAHA-Odayaasha dhaqanka beesha Meheri [Carab Saaxal] oo ka mid ah beelaha dega degaannada Puntland, ayaa Madaxweynaha maamulkaas, Siciid Cabdullaahi Deni ku eedeeyay inuu isku dayay khaarijinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Samatar.

Odayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa Deni ku eedeeyay in diyaarad ay la socotay Sacdiyo oo ka degi lahayd garoonka diyaaradaha Boosaaso Talaadadii uu ku amray in aysan cagaha dhulka dhigi karin, taasoo keeni kartay in diyaaraddu dhacdo, maadaama aysan wadan shidaal ku filan, sida ay sheegeen odayaasha hadlay.

Sidoo kale, waxa ay Siciid Deni, ku eedeeyeen inuu amray in la weeraro diyaaradda ay Xildhibaanaddu la socotay oo mar danbe loo oggolaaday in ay shidaal ka qaadato garoonka, kuna laabato Muqdisho, intii diyaaraddu dhulka taagneed dagaal garoonka ka dhacay waxaa ku dhintay 20 ruux oo 17 ka mid ah askar yihiin.

Habeenkii Arbacada, Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa la filayay in ay saxaafadda la hadasho, hayeeshee, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qanciyay in ay baajiso shirkeeda jaraa’id, isla-markaana arrinka lagu dhameyn doono wada-xaajood, waxaana xilligaas qadka taleefanka ku wada hadlay Deni iyo Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Itoobiya, gaar ahaana magaalada Addis Ababa, isagoo halkaas kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed, kadib markii uu ka soo laabatay dalka Imaaraadka oo uu ku suganaa tan iyo billowgii bishaan.
Dini wuxuu durba u muuqdaa inuu u tafa-xeytay dagaal siyaasadeed iyo mucaaradad ka dhan ah Dowladda cusub, kadib markii uu ku guul-darreystay in Xasan Sheekh uu isaga ka dhigo Ra’iisul Wasaaraha dalka, isla-markaana xilka wasiirka 1-aad loo wareejiyay Jubaland, halkii uu ka filayay Bari iyo Nugaal.

In deeq gargaar oo Xildhibaan Sacdiyo u sidday Boosaaso ay ku dhintaan 17 Askari iyo Saddex ruux oo Shacabka ah, isla-markaana ay ku dhaawacmaan in ka badan 20 kale, waxa ay direysaa farriin ku aaddan in Deni u diyaar garoobay inuu abuuro xiisado siyaasadeed, waxaana la filayaa in RW Xamse socdaalkiisa 1-aad ku tago Garowe..