Saciid Deni oo mas’uuliyada weerarkii Boosaaso dusha u saaray xildhibaan sacadiyo

GAROOWE-AYAAMAHA-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay daah-furka Shirweynaha gurmadka Abaaraha kadib wuxuu shir-doceed la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa, sidda uu shaaciyey xafiiskiisa, wuxuu Ururada Bulshada kala hadlay kaalintooda ku aadan ka qeyb qaadashada gurmadka loo fidinayo dadka Abaaruhu saameeyeen.

Deni ayaa la wadaagay sida ay Dowladda uga go’antahay qorshaha gurmadka Abaaraha oo ay kawada qeyb qaadanayaan Dowladda, Culimada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ururada Bulshada ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay dadaalka Dowladdu gelinayso gurmadka Abaarta, waxayna si gaar ah uga mahadceliyeen lacagta $1Million ah ee Madaxweynuhu caawa go’aamiyey in gurmadka lagu billaabo, taasi oo dhiirigelinaysa in Bulshaduna kawada qeyb qaadato gurmadka.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Guddiga Abaaraha ee Puntland.

Dhanka kale, Deni oo ka hadlay dhacdadii Boosaaso ayaa tibaaxay in madaxwyenaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka aysan ka war qabin arrintaas ayna ku koobaneyd guddoomiye ku xigeenka Aqalka Hosoe, Sacdiya Yaasiin Samatar.

“Isla markii aan xogtaas helay waxaa telefoonka kula hadlay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, wasiirka Gargaarka iyo ergayga abaaraha waxayna ii sheegeen in aysan war u hayn,” ayuu caddeeyay.

Wuxuu intaas kusii daray: “Diyaaraddii Boosaaso qof ogaa ma jirto, diyaarad aan mamnuucnay ayeyna ahayd.

Deeqdii Garoowena dad gaara baaba yiri anagga ayaa naloo waday”.

Ugu yaraan 19 qof oo isugu jira shacab iyo askar ayaa ku dhimatay tirro kalana way ku dhaawacmeen iska-hor-imaad ka dhashay dhacdadaas.