Saciid Deni oo qaaday talaab xal u keeni karta khilaafka madaxtooyada iyo Baarlamaanka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Macluumaad dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa kulan ay Albaabada u xirnaayeen oo xalay madaxtooyada Garoowe ku dhexmaray madaxweynaha maamulka Pun tland Siciid C/llaahi Deni iyo qaar kamid ah xildhibaanada maamulkaasi.

Kulanka oo uu dalbaday madaxweynaha waxaa looga hadlay xal u helista xiisad siyaasadeed ee ka dhex abuurantay madaxtooyada iyo Baarlamanka, isagoo kulan gaar ah la qaatay guddi uu Baarlamanka Puntland u xil-saaray arrinta maxkamadda sare.

Qaar kamid ah xildhibaanadii kulanka fadhiyay ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in madaxweynaha u balanqaaday in maalmaha soo socda uu soo magacaabayo xubnaha Maxkamadda sare oo dhawaan ay diideen iney ansixiyaan baarlamaanka, halka madaxweynaha uu isaguna ka meermeerayay inuu dib u bedelo, maadaama codka kalsoonida ay siin waayeen baarlamaanka.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ayaa sida wararku sheegayaan qaar keensaday xubnaha la magacaabayo ee maxkamadda sare islamarkaana cadaadis ku saaray madaxweynaha arrintaas, waxaa suura gal ah inuu Deni soo celiyi tiro yar oo kamid ah xubnihii hore loo diidanaa.