Saciid Deni oo shaaciyey inuu ku khasaaray dagaalkii uu la galay Farmaajo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Deni ayaa si cad ugu sheegay Xildhibaanada Puntland oo uu kulan albaabadu u xiran yihiin layeeshay in uu ku khasaaray 3-dii sanno ee lasoo dhaafay dagaal siyaasadeedkii Dawladda Federaalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in 3-dii sanno ee lasoo dhaafay uu galay dagaal adag, uuna ka shaqeynayay sidi Farmaajo loo ridi lahaa, Puntlandna u heli lahayd faa’iido siyaasadeed oo ah tagida Villa Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay kooxo badan jilaafeeyeen.

Wuxuu dhaliilay balan-daradana ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo kusifeeyey mid aan waxba dhaqaajin karin.

Niyad-darro ayuu kamuujiyey magacaabida Raysalwasaarah cusub, isagoo sheegay in 120 cisho latijaabin doono, isagoo duray kalsoonida lagu qabi karro Xukuumad uu dhiso doono, oo uu madax banaani la’aan dareen ah qabay..