Muqdisho-Ayaamaha.com Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo yeeshay xiriir Teleefan waxa ay uga wadahadleen xoojinta iskaashiga labada Dal, ilaalinta midnimada Soomaaliya, xasiloonida Badda Cas iyo Geeska Afrika.
Sida lagu sheegay Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga oo lagu faahfaahiyay kulankaan, Xukuumadda Riyadh ayaa markale adkaysay sida ay u garab taagan tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.
Wasiir Amiir Faysal Bin Farxaan Bin Cabdullaahi ayaa xusay in Dowladdiisa ay xoogga saarayso dedaallada lagu xoojinayo garab istaagga Soomaaliya ee wadajirkeeda dhuleed loogana fogaanayo faragelinta shisheeye sida uu hadalka u dhigay.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxa ay safka hore uga jirtaa Dalal ka hor yimid faragelinta Israa’iil ay ku hayso Soomaaliya kaddib markii dhammaadkii 2025 ay shaacisay in ay aqoonsatay Maamulka Waqooyi Galbeed iyo tallaabooyinkii xigay ee faragelinta ahaa.











