Sacuudiga oo go’aan kale kasoo saaray xajka sanadkan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Xajka sanadkan loo ogolaan doono kaliya 60,000 oo xujey ah oo ku nool Sacuudiga, taasi oo ka dhigan in dhammaan Xujeydii ka iman laheyd guud ahaan caalamka aysan gudan karin Xajka sanadkan.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in sababta loogu xadeeyay kaliya 60-kun oo muwaadin oo Sacuudi ama dadka heysta iqaamada dalkaasi ay tahay halista cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu wali ku hayo dunida.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in dadka loo ogolaan doono gudashada Xajka sanadkan ay da’doodu u dhaxeyn doono 18 ilaa 65 sano jir, islamarkaana ay waajib noqoN doonto in ay si buuxda u soo qaateen tallaalka looga hortago xanuunka COVID-19.

Xajka sanadkan ayaa lagu wadaa in uu dhaco bartamaha bisha July ee foodda nagu soo heysa.

Go’aankan ayaa noqonaya midkii labaad ee noociisa ah oo ay soo saarto dowladda Sacuudiga, ayada oo sidan oo kale sanadkii hore u ogolaatay Xajka tiro dad ah oo kooban, sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Waxay noqoneysa sanadkii labaad oo xiriir ah oo aan dalalka caalamka looga imaan Xajka, halka awal Xajka ay gudan jireen dad gaaraya 2.6 milyan oo qof.