Sacuudiga Oo Hal Arrin Darteed Masaajidyada Uga ‘Eryay’ Imaamyo Badan!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Sacuudiga oo xaqiijisay in Imaamyo badan laga eryay masaajidyadii ay khudbadaha ka jeedin jireen, kaddib markii ay diideen inay shacabka uga digaan urur dimeedka Ikhwaanul Muslimiinka.

Cabdiladhiif Bin Cabdul-Casiis Al-Sheekh, oo ah wasiirka Arrimaha Diinta ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay in dhowrkii isbuuc ee ugu dambeeyay aqoonsiga lagala noqday wadaaddo faro badan oo ku gacan seyray amar kasoo baxay wasaaradda oo farayay inay khudbadahooda kusoo daraan mowduucyo liddi ku ah ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo fikradihiisa.

Wasiirka ayaa telefishinka afka dowladda ku hadla ee Al-Carabiya u sheegay in ujeeddadooda aysan ahayn inay shaqada ka eryaan wadaaddo ka diiwaan gashan wasaaraddooda, laakiin wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay howsha ay hayaan culumada iyo saameynta hadallada ay muwaadiniinta u jeediyeen.

“Wararka sheegaya in imaamyo badan shaqada laga eryay waa run. Tallaabadaas waxay ka dambeysay markii ay ku guul darreysteen fulinta amarkii wasaaradda ee lagu daabacay bayaanka kasoo baxay golaha sare ee culumada, kaasoo ahaa in ay dadweynaha ka wacyi galiyaan khatarta ururka argagixisada ah ee Ikhwaanul Muslimiinka<” ayuu yidhi Al-Sheekh.