Dowladda Sacuudiga ayaa billaawday dadaallo ay ku badaleyso Faransiiska oo laga eryay joogitaankiisa dalka Burkina Faso oo kamid ah wadamada kheyraadka leh ee ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.
Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in Saad Misfer uu noqon doono Safiirka dalkaasi u fadhin doona Burkina Faso, isla markaasna loo xil saaray inuu xoojiyo xiriirka labada dowladood.
Sida ay sheegeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Burkina Faso, Sacuudiga ayaa magaalooyinka dalkaan oo ku yaalla Galbeedka Afrika ka fulin doona Mashaariic horumarineed.
Dhaqdhaqaaqyada Sacuudiga ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Xukumadda Madaxweyne Ibraahim Taroore ay ceyriyeen Diblumaasiyiinta Faransiiska, iyagoo ku eedeyay faragalin arrimaha gudaha dalkaasi ah.
Sacuudiga ayaa fulinaya himiladiisa 2030, isagoo Burkina Faso u arka goob Istaraatiiji ah maadama uu kamid yahay dalalka Afrika ee soo saara Dahabka ugu badan.











